Qur’aanku wuxu, bilawga suuradda Al-Baqara, kaga sheekeeyey labo nooc oo ay dadka ka mid ah, isaga oon magacdooda innoo qeexin, balse uu inoo sheegay tilmaamaha lagu kala garto.

Nooca hore, waa kuwa “qeeybka” rumeeyey ee toosiya salaadda ee waxa Allah ku manaystay bixiya: “الدين يؤمنون بالغيب ويقيمون الصلاة و مما رزقناهم ينفقون” . Kuwa kalena, waa kuwo ka soo horjeeda, waxaanu Qu’aanku taxay tilmaamo badan oo ay leeyihiin oo aan wax ka sheegi doono.

Ujeedada qoraalkani ma aha in aan isbarbardhigno labadaa nooc, balse waxaan rabnaa in aan ahmiyadda saarno qodob ama arrin xasaasi ah oo ah in xarakaatka salaadda iyo qaabkeeda oo lala yimaadaa aanay qofka la yimaada dhaxalsiinayn ama u damaanad qaadayn in uu helo raalli-ka-noqoshada iyo jannada Raxmaanka, balse laga yaabaa in ay qofkaas ka dhigto kooxda “loo cadhooday”  المغضوب عليهم. Illaahay baan ka magan-gelnee.

Tilmaamaha ay leeyihiin nooca hore, waxa lagama maarmaan ah in ay rumaysanyihiin “qeeybka”. Maxaa yeelay Allah (SWT) iyo ahaan-shihiisa ayaa ka mid ah arrimaha dadka qeeybka ku ah ee aanu caqligoodu koobi karin ama aannu xaqiiqadooda ogaan karin, waxa kale oo ka mid ah arrimaha la xiriira maalinta qiyamaha, xisaabta, janada, cadaabta, malaa’igta, iwm.

Waxa kale oo tilmaamahooda ka mid ah, in ay “toosiyaan salaadda”. Waana erayadan qodobka u baahan in an is dul taagno. Marka Qu’aanku ka hadlayo salaadda wuxu had iyo jeer uga hadlaa “toosin”. Toosin-na waxa ah marka wax la dhisayo ama la abuurayo oo ku tilmaaman joogtayn waarta oo jiritaankeedu adkaado. Meelna Qur’aanka kagama jirto in Allah uu ka dalbayo kuwa rumeeyey in ay “gutaan” ama la yimaaddaan salaadda; waxase uu mar kasta ku amraa in ay “toosiyaan” salaadda. Taasina waxay, inna tusinaysaa in salaaddu aanay ahayn kaliya xarakaat uu la yimaado qofka muslimka ahi, balse ay salaaddu salka ku hayso fahamka ah in xiriir “la dhiso”. Sidaa darteed, salaadda oo la toosiyaa waxay tahay in xiriir addoonka iyo Illaahay u dhexeeya la abuuro oo la ilaaliyo (ama la xafido). Si kale haddaan u dhigno, aayad kasta oo innaga dalbaysa in aan “toosinno” salaaddu waxay innaga dalbaysaa in aan ku tallaabsanno sidii aynnu u xaqiijin lahayn xiriir waara oo qofka muslimka ah iyo Illaahay u dhexeeya.

Hadaba, maadaama ay bani’aadamka caaddo u tahay in uu si fudud u dhex muquurto arrimaha adduunyada, ayaa Allah inoo qeexay waqtiyo aan la nimaadno xarakaat inna xasuusisa ahmiyada xoojinta xiriirka Allah. Hadafkooduna ay yihiin in aan nafteenna ku abuurno  dareen la taaban karo oo xoojiya fikradda xiriirka iyo la-xiriirka Allah. Hase ahaatee, waxa mar kasta loo baahan yahay in u foojignaano in hadafka asaasiga ee salaaddu aanu ahayn xarkaadka ee ay tahay ilaalinta iyo joogtaynta xiriirka Allah oo ah mid qalbiga ah. Salaadana waxad  si dhab ah u toosin kartaa kaliya marka qalbiga aad ka tukanaysid. Waxa taa daliil u ah qawlka Allah: “(فَإِذَا اطْمَأْنَنتُمْ فَأَقِيمُواْ الصَّلاةَ) “  oo macnahedu tahay “marka qalbigiinu dego, toosiya salaadda.” Taa oo la mid ah, ujeedada salaaddu waa in la dhiso xiriir ka dheexeeya qalbiga qofka mu’minka ah iyo Allah (SWT).

Marka uu Allah leeyahay “(اقم الصلاة ان الصلاة تنهى عن الفحشاء والمنكر)“Salaadda toosi, salaaddu waxay reebtaa xumaha iyo waxa aan fiicnayn”, ma aha hadafku xarakaatka salaadda ee waa xiriirka aan imaan karin qalbiga la’aantii iyo adiga oon qalbigaaga ku dareemin Allah oo kaa reebaya in aad xumaan fasho.

Waxana halkaa ka cad, qof kasta oo aan xumaan ka hadhin in uu yahay qof si xun ugu guul daraystay in uu dhiso xiriir isaga iyo Allah u dhexeeya. Qofkaasina wuxu noqonayaa nooca labaad ee dadka ka mid ah ee uu Allah innooga sheekeeyey. Waxaanan –insha Allah- ku eegi doonaa qaybta labaad ee qoraalkan.

Wa Billaahi tawfiiq!

Qalinkii: Cumar Xaaji Faarax