Sharaftii Islaamka oo ku Dhex Silicday Wadaad Xagjir ah, Sheekh Cilmi Yar Caadifadna Adeegsada, iyo Dallinyar Caqligii laga Addoonsaday. 

Diinta Islaamku waa diin ku salaysan caqli, cilmi, naxariis, ixtiraam iyo isqadrin. Ku-dhaqankeedana waxa shardi aasaasi ah u ah caqli fayow. Caqliguna wuxu ka mid yahay waxyaabaha uu Allah ku sharfay ee uu ku karaameeyey bani’aadamka, waana shayga uu xawaankana kaga duwanyahay. Sidaa darteed, kobcinta iyo adeega caqligu waxay bani’aadamka dhaxalsiisaa darajadda ugu saraysa ee karaamada, halka daranyeynta caqligaasi uu dhaxalsiiyo in uu ka hooseeyo xayawaanka!

Taa waxa daliil u ah, amarkii ugu horeeyay ee uu Allah faray nebigeenna suuban wuxuu ahaa “Iqra wa Rabbikal akram aladii callama bil qalam, callamal insaana maa lam yaclam – Al-calaq 3-5” oo ah “Akhri, Rabbigaaguna waa ka u deeqsisan, ee insaanka qalim ku baray wax aanay aqoonin”. Hadaba waxa ayaan darro ah in bulsho islaamnimo sheeganaysaa ay tixgelin iyo mudnaan siinweydo cilmiga oo ay ka horreysiinweydo wax kasta oo noloshooda loogu adeegayo oo u keenaya horumar adduunyo iyo mid aakhiraba!

Intaa waxa raaca, erayada “caqala” iyo “fakara”, ama qaybahooda kala duwan, oo tilmaamaya shaqada uu caqligu qabto ee laga rabo, waxay qur’aanka soo noqnoqdaan 67 jeer. Sidoo kale erayga “salaat” wuxuu Qur’aanka kusoo noqnoqday 67 jeer. Waxaanan odhan karnaa tixgelin isku mid ah ayuu Allah siiyey caqliga oo laga shaqaysiiyo iyo salaada oo la toosiyo khushuucdeeda iyo shuruudeeda; Waxase xusid mudan, erayga “cilm” ama qaybihiisa, oo u taagan toosinta ama kobcinta caqliga, wuxu Qur’aanka kusoo noqnoqdaa 581 jeer! Halkaana waxan ka fahmi karnaa tixgelin dheeraad ah ee ay leedahay barashada cilmigu iyo in qofku ku camal falo uu caqligiisa adeegsado.

Hadaba, gaar ahaan bulshada Soomaaliyeed ee muslimka ah oo, in ka badan 20 sano, ku sugan burbur dhinac walba ah iyo dawlad la’aan, ayaa waxa si xoog ah u soo galay dhaqamo iyo caadooyin aan soomaalida horey loogu aqoon oo islaamka aan meelna ka soo gelin, balse lagu soo dhex qariyey magaca islaamka. Dhaqamadaas waxa ka mid ah: (1) labis (rag iyo dumar) oo dhaqamo kale ka soo jeeda oo loo fahmay in ay islaamka ka turjumayaan; (2) isfariddii waxa fiican iyo iska reebiddii waxa xun ee xasuusinta ahayd oo loo bedelay “boolis” u xilsaaran in ay dadka ku khasbaan salaadaa ama hubiya in aanay gabadh keeshali xidhani suuqa mari karin; iyo (3) falalka isqarxinta ama ismiidaaminta oo dad aan waxba galabsan lagu gumaado iyada oo dadka arrimahaa ka dambeeyaa ay ku andacoonayaan in ay ku jiraan ilaalinta diinta islaamka iyo jihaad Alle dartii ah!!!

Waxase la wada ogyahay in dhalinyarada loo adeegsado, tusaale ahaan, falalkaa foosha xun ee bani’aadamnimada ka baxsan in ay yihiin kuwo aan lahayn cilmi dineed iyo caqli ku filan, caadifaduna ka badatay duruufaha dalka ka jira awgood, dawlad iyo nidaamkii ama culimadii la yiqiin ee ka hor joogsan lahaydna ay meesha ka maqanyihiin.

Sidaa darteed, diintii islaamka ee quruxda badnayd waxay maanta Soomaali dhexdeeda ku silciyey wadaad xagjir ah oo u adeegaya fikraddo qalaad oo aan qayb ka ahayn dhaqanka suuban ee islaamka, iyo dhallinyar da-yacan oo cilmi diineed iyo mid dadnimoba waayey oo caqliga laga addoonsado, iyo sheekh caadifad adeegsada, cilmiguna ku yaryahay oo wacdigii iyo waxsheegii ku soo koobay ururinta zakada  iyo Allaberi ujeeddo kooban leh,  intooda badanina muuqaal ahaan ama labis ahaan ay ka duwan ummadda ay culimada u sheeganayaan!

Allaah wuxuu Qur’aanka innogu sheegay: “fal yacbuduu rabba haadal bayt aladii adcamahum min juucin wa aamanahum min khawf – suuradda iilaaf 3-4. Macnaheeduna tahay: “hadaba ha caabudeen Rabbiga aqalkaa (kacbada) Kaas oo ka quudiyey gaajo, kana nabadgeliyey cabsi. Labadaasina maanta si balaadhan ayey uga jiraan deegaanadii soomaaliyeed. Su’aasha hadaba meesha taalaa waxa weeyi, meel ay macaluul iyo cabsi ehel u yihiin Allah si fiican ma loogu caabudi karaa? Ummad ay labadaa arrimood ku habsadeense caqligeeda ma adeegsan kartaa? Aniga waxay ila tahay, jawaabtu waa maya. Maxaa yeelay, cibaadada Allah waxay u baahantahay caqli fayow oo caafimaad qaba, caqliguna wuxuu u baahanyahay cabsi la’aan iyo cunno la quuto. Caqligii soomaalidu markuu labaadaa waayey, qabiilna u weheliyey, wadaad xagjir ah iyo mid xoogsi tagayna ay ehel u nooqdeen xaalkoodii wuxuu ku dambeeyey “reer ba’oow yaa ku leh”.

Dood dhawaan aniga iyo qof Soomaliyeed na dhexmartay ayaa ka turjumaysa xaaladaa aan kor ku xusay ee cilmi la’aanta iyo dhaqan-rogadka ka jira deegaanadii iyo da’ yartii Soomaaliyeed. Doodaasina iyadoo kooban waxay u dhacday sidan:

–        Waxaan soo jeediyey erayyo murtidoodu xambaarsantahay in, xorriyada rabitaanka ee uu Allah hordhaca uga dhigay soo gelitaanka diinta islaamka iyo weliba qaadista amaanadu, in ay mudantahay in la ixtiraamo oo aan qofka lagu khasbi karin in uu Allaah caabudo, balse waxa fiican lays faro; maadaama ay cibaadada shardi u tahay niyad saafi ah iyo rabitaan shakhsi ah oo garasho iyo kalgacal ku dheehan.

–        Wuxuu iigu jawaabay hadal murtidiisu tahay, qofka muslimka ah cibaadada waa in lagu khasbaa oo cidi ka baryi mayso, haddi marka la khasbo uu niyad la iman waayana qofkaasi, isagay u taalaa oo aakhiradiisa iska halleeyey, annagase waxa nalaga rabaa in aan waxa muuqda xukuno!!!

Doodaasi qofka soomaaliyeed na dhex martay, oo runtii igu dhalisay in aan mawduucan qalinka u qaato, waxa iiga muuqatay in hadalkaasi ka turjumayo dhaqan shisheeye oo ka yimid ummad ay ka maqantahay ama ku yartahay xorriyadda shaksiga iyo adeegsiga caqligu. Maxaa yeelay, dhaqanka soomaaliyeed waxan ku aqaanay in uu labadaa arrimoodba tixgeliyo oo xataa diinta islaamku aanay seef ugu iman ee uu caqli iyo rabitaankiisa ku aqbalay kumanaan sano ka hor.

Waxa hadaba ayaan darro iigu muuqda, ubadkii islaamnimada ka dhaxlay aabayaal ehel u ahaa xorriyad rabitaan, caqli fayow, iyo cilmi diineed, in maanta loola yimaado salaad khasab ah oo aan niyad iyo khushuuc u baahnayn, labis khasab ah oo qayrkood dhaqan u ah, iyo jihaad khasab ah oo ujeeddo qarsoon oo iyaga lagu gumaadayo, jawaab iyo cudur daarna aan laga ogolayn, oo laga dhigo sidii askar jaahil ah oo amar la siiyey oo aanu afka ka juuqi karin, caqaligiisa adeegsan karin.

Hadaba, iyada oo ay ka faa’idaysanayaan masiibadan Soomaali ku habsatay, ayaa dhallinyaradii Soomaaliyeed ay u gacan galeen wadaado xagjir ah oo raba in ay dhalan rogaan oo ay illawsiiyaan in:

–        Sharciga Allah yahay qodobo aan is bedbedal lahyn oo uu Allah kali dejiyey oo ah “sidaana yeel, sidaana ha yeelin” (Divine fixed controls of do’s and don’ts), oo aan u hogaansamidiisu khasab u baahnayn  (laa Ikraaha fi diin), ciqaabtiisa kama-dambaystuna aanay deg deg ahayn ee uu dib u dhigay, sharcigaasina uu sidaa u dejiyay si ku-dhaqankiisa lagu hanto nolol-bulsheedka ugu heer sareeysa xagga karaamada, ammaanka iyo sugnaanshaha bani’aadamka.

Waxaanay taasi keentay in ay sharcigii Allah kala mid dhigeen xeerkii uu bani’aadamku dhigtay oo kale. Xeerkaas oo ka kooban xakamooyin (controls) iyo ciqaabo (punishments) is bed-bedala oo hadba la cusboonaysiiyo, oo ay tahay khasab in loo hogaansamo, isla markaana degdeg loo fuliyo ciqaabahiisa si loo helo nidaam iyo kala danbayn (law and order) cabsi ku salayan, balse dan u ah bulshada oo dhan, haba ka hor yimaado rabitaanka iyo danaha shakhsigee. Xeerka noocaas ah oo loo samaystay si loo helo nolosha ug heerka hoosaysa ee karamada, ammaanka, iyo suganaanshaha bulshada. In sidaa laga dhigona, waxa sabab u ah iyada oo la aaminsanyahay ama la filan karo in shakhsiyaad ka mid ah bulshadu ay jebin doonaan xeerkaasi. Sidaa darteedna loo sameeyey boolis ilaaliya.

Hadaba, maadaama sharciga Allah uu ka duwanyhay xeerarka bini’aadamku samaaasteen, waxan aaminsanahay in qirashada uu qofku qirto in uu Allah rumaysanyahay  ay u taagantahay rabitaanka qofka mu’minka ah ee doortay in uu sharciga Allah u hogaansamo isaga oo aanay cid kale ku khasbin, waxna laga weydiinayn.

Gabogabadii, caqliga saliimka ah ayaa odhanaya: haddiiba aaminaadda ama rumaynta Allah aanay khasab qofka ku ahayn oo la rabo in qofku xorriyadiisa iyo caqligiisa ku doorto, qofka sidaa mu’min ku noqday lagama filan karo ama marmarsiiyo uma heli karo in uu jebiyo sharciga Allah.  Sidaa darteed, qof mu’minnimo sidaa u doortay uma baahana boolis ku ilaaliya; haddiise ummad islaam ah la dhexdhigo cabsi, cagajoglayn, cilmi yari, iyo caqli seexday oo lagu khasbo in ay sidaa Rabbi ku caabudaan, waxa dhacaysa in loo baahan doono boolis ka tiro badan dadka ay cibaadadada ku khasbayaan. Kuwa la khasbayna aanay sidaa mu’min ku noqonayn, kuwa booliska noqdayna ay isku arki doonaan in ay Allah wakiil uga yihiin inta kale. Taasina maaha sida uu Allah addoomadiisa ka rabo, waayo, “walow shaa’a Rabbuka la aamana man fil ardi kulluhum jamiican, afa anta tukrihu naasa xattaa yakuunuu mu’miniin – Suradda Yuunis 99”; oo macnaheedu tahay: “Haddii uu doono Rabigaagu way rumayn lahaayeen cid kasta oo dhulka ku nool dhamaantood; adiguse miyaad ku sandulleyn (khasbi) illaa inta ay ka noqonayaan kuwo rumeeyey.”

Inkasta oo ay burburka baahsan ee dalka qayb ka tahay, Allah waxan ka baryayaa in uu Soomaalida ka soo gaadho wadaad xagjir ah, sheekh cilmi yar oo caadifad ku adeegta, iyo dhallinyar caqligii laga addoonsaday, si ay sharaftii islamka iyo dhaqankodii suubana ee Allah u dhaliyey uu ugu soo noqdo.  Aamiin! 

Qalinkii: Cumar Xaaji Faarax