Boqorro-kooxeedyadii Muslimiinta ee Andalus iyo Soomaalida Maanta

Hor Dhac

Taariikhdan aan soo koobay, oo ku saabsan boqorradii muslimiinta ee loo yaqaanay “Muluuk Attawaa’if” ama Boqorro-kooxeedyadii Andalus ka talin jiray, ugama jeedo in aan idinku daaliyo oo halkan ku taxo magacyada tobaneeye boqortooyo iyo dhacdooyin kun sano ka hore jiray oo laga soo gudbay, balse waxaan uga danleeyahay in aan inna xasuusiyo haddaan Soomaali nahay, sida dhacdooyinkii sababay in ay Andalus yeelato tobaneeye boqor ka dibna keentay burburkii dawladii islaamka ahyd ee beri ka talin jirtay deegaanka Andulus (oo ka mid ah Spain) iyo sida ay aadka ugu shabahdo waayaha maanta ka jira dalkii Soomaaliya la odhan jiray, si aynnu ugu cibro qaadanno, waa haddiiba ay jiraan kuwo cibro-qaadasho rabaaye! 

Waqtiyadii ay Muslimiintu qabsadeen Andalus, waxay ku beegnayd markii ay khalifaddii Umawiyiinta ee Dimishiq burburtay. Ka dibna amiir la odhan jiray Cabdiraxmaan Addaakhil oo Umawi ahaa ayaa ka baxsaday Dimishiq uu tagay Andalus ka dibna halkaa ka abuuray khilaafo (xukun) Umawiyiin ah oo isaga debadii muddo ka sii socotay, halka ay Baqdaadna ahayd xaruntii khilaafadii Cabaasiyiinta illaa ay aakhirkii burburiyeen ummaddii loo yaqaanay Mongooliyiintu. Awoodda xukunkii Umawiyiintuna wuxuu ku naf waayey magaalada Qorodoba oo ah deegaanka Andalus ah, meeshaasi oo ay ka dhismeen waxa loo yaqaano “muluukul Tawaaif” ama boqorro-kooxeedyo ay samaysteen kuwii uu xukunkii Umawiyiinta adeegsan jireen ee cududda iyo quwadda u ahaa.

Taariikhdii “Muluuku tawaa’if”  oo kooban

Taariikhdu waxay sheegaysaa in burburkii labadii dawladood ee islaamka ahaa, ee Umawiyiinta iyo Cabaasiyiinta, ay sabab u ahaayeen QABYAALAD, QARAABO KIIL, cunsuriyad iyo dagaalo KOOXEEDYO aan xukunka laysku ogolayn!

Muslimiintii Umawiyiintu markii ay ku guulaysteen in ay qabsadaan Andalus (Europe), waxa dadkii muslimimiinta ahaa ka dhex bilaabantay tartan loo galayo ciddii dadka xukumi lahayd. Tartankaasi wuxuu keenay in ay magaaladii Dimishuq ku burburto  khilaafadii Umawiyiintu. Intaa ka dib, ayuu Cabdiraxmaan Addakhil oo ameer ahaa ka baxsaday Dimishiq oo uu xukun ka dhistay Andalus si uu tartan weyn ula galo Cabaasiyiinti Baqdaad. Markii uu xoogeystay tartankii u dhexeeyey Cabaasiyiintii Baqdaad iyo Umawiyiintii Andalus, waxa kale oo ay qolo walba dhexdeeda la kulmeen dhibaatooyin la mid ah kuwii u dhexeeyey labadaa dawladood.

Cabaasiyiintii waxa dhexdooda ka qarxay dagaal u dhexeeyey carabtii iyo faarisiyiintii ciraaq ku noolaa, ninkii khaliifka ahaa oo la odhan jiray Al-mutawakal ayaa wuxuu soo kaxaystay turkiyiin uu askar ka dhigtay si ay ugu badbaadiyaan xukunkiisa. Muslimiin ayaa muslimiin loo adeegsaday! Sida maanta Soomaali Soomaali loogu adeegsanayo.

Andalusna waxa xoogaystay tartankii iyo dagaaladii u dhexeeyey carabta iyo barbariyiinta oo labaduba muslimiin ahaa, taasi waxay khalifkii Cabdiraxmaan Addaakhil ku khasabtay in uu soo kaxaysto dadkii aan carabta iyo barbariyiinta ahayn ee Andalus ku noolaa si uu xukunka u sii haysto!

Dagaaladaa iyo tartanadaa muslimiinta dhexdooda ee loo adeegsaday qabyaalada, kooxaysiga iyo xukun-jecaylku wuxuumuslimiintii ku abuuray tafaraaruq iyo itaal-darri keenty in Cabaasiyiintii ciraaq ay tirtiraan Mongooliyiintii, umawiyiintii Andalusna ay u kala burburto boqorro-kooxeedyo ay boqol iyo kontonkii killomitirba (every 150 km) yeelato boqor ka taliya oo cadaw ku ah boqorka kale ee muslimka ah ay is xigaan oo midba midka kale u adeegsado gaalada (sida maanta dad soomaali ahi u adeegsadaan xabashi ama kiiniyaati si uu uga adkaadaan Soomali kale!); taasi oo aakhirkii sababtay in ay iyagii is tirtireen oo dhulkii lagala wareega. Illaa la arkay boqoradii qaarkood oo ilmaynaya khasaarihi iyo jabkii ku dhacay awgeed! Sida laga wariyey hadal hal-hayn ah oo ku timid nin boqor Andalus ka ahaa oo ay hooyadii aragtay isaga oo ilmaynaya ka dibna ay ku tidhi erayo murti noqday oo ah: “xukunka aad sidii ragga u ilaashan weyday… sidii dumarka ugu ooy!”

Hadaba, Soomaali ciddii wax ku qaadanaysaay, boqorro-kooxeedyadii Anadalus ka jiray intii ugu caansanayd oo dhawr iyo toban boqortooyo ahaa waxay kala ahaayeen: reer Al’afdas, reer Qaaniya, reer Caamir, reer Cabaad, reer Tajiib, reer Al’aqlab, reer Raziin, reer Samaadix, reer Dinuun, reer Qaasim, reer Ziiri, reer Jahuur, reer Xamuud iyo reer Al’axmar!!!

Reerahaasi iyo xukunkoodii maanta waa wada tirtirmeen, waxa kale oo halkaa ku baaba’day fursadii islaamku uu maanta caalamka ku hogaamin lahaa!

Gabagabadii iyo gunaanadkii murtidu waxay tahay, marka lays barbar-dhigo taariikhdaa Anadalus iyo waayaha Soomaaliya maanta ka jira oo aad isugu dhaw, haddii ay taariikhdu macalin tahay, qabaa’ilka soomaaliyeed iyo xukunkooda qabyaaladda ku salaysani waxaan shaki ku jirin in ay tirtirmi doonaan; halkaana waxa ku baabi’i doona fursaddii ay Soomaali hormoodka ugu noqon lahayd mandaqadda geeska afrikay, waa haddii aanay MAANTA samaysan xukun midnimo Soomaaliyeed ku salaysan,  ee sidaa ha la ogaado!

Qalinkii: Cumar Xaaji Faarax