{"id":103,"date":"2012-03-09T15:01:21","date_gmt":"2012-03-09T12:01:21","guid":{"rendered":"http:\/\/www.hajifarah.com\/?p=103"},"modified":"2012-03-09T15:01:21","modified_gmt":"2012-03-09T12:01:21","slug":"ma-jiro-islaamka-wax-ka-fiicani-mana-jiro-wax-ka-xun-muslimiin-lunsan","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/www.hajifarah.com\/blog\/?p=103","title":{"rendered":"Ma jiro Islaamka wax ka fiicani, mana jiro wax ka Xun Muslimiin Lunsan!!!"},"content":{"rendered":"<p>Islaamnimadu maaha wax la sheegto ee waa in siday tahay ee Allah rabo loogu dhaqmo. Islaamnimadu maaha wax lagu shaqaysto oo xoolo, manfac iyo magac adduun lagu raadsado. Islaamkuna maaha wax jiritaankiisa muslimiinta laga rabo balse jiritaankoodaa u baahan Islaamka.<\/p>\n<p>Muslimnimadu waxay ku bilaabantaa kuna dhamaataa marka qofka sheeganayaa uu si dhab ahaan u dareemo in aanu cid kale u baahnayn Allah mooyaane. Qofka haddii habdhaqankaa laga waayo oo aanu ku dabaqin nolol maalmeedkiisa, waxaan shaki ku jirin in uu ku noolaanayo nolol cidhiidhi ah, sida ka muuqata maanta dadka iyo dalalka muslimka ah.<\/p>\n<p>Markaad addunyadan u fiirsato, waxaan wada ognahay dadka ugu dhibaatooyinka badani, uguna baahida badani in ay yihiin dunida muslimka ah. Qaxootiga adduunka iyagaa ugu badan dad ahaan. Dawladaha ugu hooseeya jaranjarada horumarku waa kuwa muslimka sheegta. Boqolka dawladood ee ugu musuqmaasuqa badan oo ay Soomaaliya kaalinta kowaad ka tahay, afartan ka mid ahi waxay xubin ka yihiin ururka aan ka shaqeeyo ee la yiraahdo Ururka Wax-wada-qabsiga Islaamka (Organisation of Islamic Cooperation) oo ay ka mid yihiin dawladaha ugu hodansn xagga soo saarka bitroolka.<\/p>\n<p>Boqolaal milyan oo muslimiin ah ayaa akhrista suuradda \u00e2\u20ac\u0153al-Ikhlaas\u00e2\u20ac\u009d ee ah: \u00e2\u20ac\u0153<em>Qul huwa Allahu axad, Allaau Samad, lam yalid walam yuulad, walam yakun lahu kufu\u00e2\u20ac\u2122an axad<\/em>.\u00e2\u20ac\u009d, wax yarbaase si fiican u dhuuxa macnaha ay xambaarsantahay oo ku dhaqma. Suuraddaa waxa ku jira erayga \u00e2\u20ac\u0153<strong>samad<\/strong>\u00e2\u20ac\u009d oo aan qur\u00e2\u20ac\u2122anka meel kale kaga jirin, isla markaana xambaarsan tilmaan Allah u gaar ah oo cid la wadaagta aanay jirin. Erayga Samad macnihiisu waxa weeyi \u00e2\u20ac\u0153<strong>kii wax kasta iyo cid kastaa u baahnayd ee aan isagu cidna u baahnayn<\/strong>\u00e2\u20ac\u009d. Tilmaantaasina waxay gaar u tahay oo kaliya Allaah, Cid sheegataana ma rumayn karto.<\/p>\n<p>Sababta sifadaasi gaar ugu noqotay Allah, waxa qeexaysa aayadaha ka dambeeya ee suuradda oo ah \u00e2\u20ac\u0153lam yalid\u00e2\u20ac\u009d ubad ma dhalo, \u00e2\u20ac\u0153walam yuulad\u00e2\u20ac\u009d isagana lama dhalin, \u00e2\u20ac\u0153walam yakun lahuu kufu\u00e2\u20ac\u2122an axad\u00e2\u20ac\u009d mana ahaan xagiisa cid u dhigantaa.<\/p>\n<p>Haddaba, haddii uu qofka muslimnimo sheeganaya uu aamino in Allaah mooyee cid kalena uu u baahanyahay isagana cid kale u baahan karto oo uu wax u hayo, waxa cadaanaysa in uu qofkaas toos ugu hor yimid in uu rumeeyo sifadii Allah gaarka u ahayd oo uu meesha keenay in uu cid kalena oo loo baahan karaa jiro, isagana cid kale u baahan karto.<\/p>\n<p>Taas ayaana sabab u ah in maanta dadka islaamka sheeganayaa ay noqdaan kuwo cid kasta u baahan si ay ugu noolaadaan nolosha ugu hoosaysa ee qof ku noolaan karo, iska daa nolol fiicane. Waana ta keenty in ay cadaalad, nabadgelyo iyo nololba ka raadinyaan meel aan dalalkoodii ahayn. Dalalkoodu si ay u fiicnaadaana waxay ka rajaynayaa waxqabadka cid aan Allaah ahayn!<\/p>\n<p>Maadaama akhristayaasha qoralkan ee sharafta lihi ay soomaali yihiin, Soomaalidana lagu sheego in ay boqolkiiba boqol muslim yihiin, Soomaaliyana loo aqoonsanyahay dawladda ugu musuqmaasuqa badan amase \u00e2\u20ac\u0153dawlad fashilantay\u00e2\u20ac\u009d, waxa isweydiintu tahy, <strong>ma Islaamnimadaa sidan ugu wacan mise iyagaan islaamnimo ku dhaqmayn??<\/strong> \u00c2\u00a0Jawaabtu, ra\u00e2\u20ac\u2122yi ahaantayda, waxa weeyi: Soomaalida maantu, in yar oo Allah u gargaaray mooyee, waxay dhamaan baahidoodii ka raadinayaan meelo kale oo aan Allah ahayn. Meelahaasi ama ha noqoto qabiil ama qof ama wadan kale e. Tusaale ahaan : 1) Qaar baa waxay aaminsanyihii ilaa qabiilkoodu dawladda madax ka noqdo in aanay manfac ka helayn, sidaa darteed ayey dawladdo gaar ah u kala samaysteen ilaa inta dawlad ay madax ka yihiin laga helayo 2) qaarna waxay yidhaahdeen, Soomaaliba waan ka go\u00e2\u20ac\u2122nay oo anagaa dawlad ah balse waxaan u baahanahay in nala aqoonsado si aan wax u qabsano!! 3) qaar kalena kuwaa la aqoonsan waayey ayey ka sii go\u00e2\u20ac\u2122een si ay madax u noqdaan, markay madaxnimo ka waayeen. Qaarna iyagu waxaabay ku tashadeen in ay magac islaamnimo xukun ama dawlad ama xoolo ku helaan. Kuwaasina kuma koobna kuwa kitabka iyo qoriga ku labistay ee dagaalka xukunka ku rabo, balse kuwo kale ayaa dhawaan soo ifbaxay oo iyagu kitaabkii u qaatay in ay dumarka iyo qaxootiga soomaaliyeed baryada Allah kaga iibsadaan!!<\/p>\n<p>Gebagabadii iyo gunaanadkii, waxaan walaalahayga soomaaliyeed ee muslimka ah kula talin lahaa, aan iska ilawno fikradda qabiil iyo qof baan wax innoo qaban kara, oo aan aaminno in Allah kaliya aan u wada baahannahay, hadaadse aaminsantahay in qabiilkaaga ama jilibkaagu wax kuu qaban karo ama qabiil kale wax ku yeeli karo, ogow in aad garab marsantahay qawlkii illaahay ee ahaa in isaga uun loo baahanyahay. Allah wuxu yidhi: \u00e2\u20ac\u0153<em>waman acrada can dikrii, fa inna lahu maciishatan dankaa, wa naxshuruh yawmal qiyaamati acmaa<\/em>\u00e2\u20ac\u009d (Suurada Daaha \u00e2\u20ac\u201c 125) oo macnaheedu tahay cidda ka leexata xasuustyda, waxa u sugnaatay nolol cidhiidhi ah, maalinta qiyaamana waxan soo ururin doonaa iyagoo indho la\u00e2\u20ac\u2122.<\/p>\n<p>Waxaanan inna xasuusinayaa in aanu Islaamka wax ka fiicani jirin, muslimiin lunsanna wax ka xumi aanu jirin!!!<\/p>\n<p>Qalinkii: Cumar Xaaji Faarax<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Islaamnimadu maaha wax la sheegto ee waa in siday tahay ee Allah rabo loogu dhaqmo. Islaamnimadu maaha wax lagu shaqaysto oo xoolo, manfac iyo magac adduun lagu raadsado. Islaamkuna maaha wax jiritaankiisa muslimiinta laga rabo balse jiritaankoodaa u baahan Islaamka. Muslimnimadu waxay ku bilaabantaa kuna dhamaataa marka qofka sheeganayaa uu si dhab ahaan u dareemo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":0,"comment_status":"closed","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[1,14],"tags":[],"class_list":["post-103","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-selected-articles","category-maqaallada-islaamiga"],"yoast_head":"<!-- This site is optimized with the Yoast SEO plugin v26.5 - https:\/\/yoast.com\/wordpress\/plugins\/seo\/ -->\n<title>Ma jiro Islaamka wax ka fiicani, mana jiro wax ka Xun Muslimiin Lunsan!!! - Haji-FARAH&#039;s POST<\/title>\n<meta name=\"robots\" content=\"index, follow, max-snippet:-1, max-image-preview:large, max-video-preview:-1\" \/>\n<link rel=\"canonical\" href=\"https:\/\/www.hajifarah.com\/blog\/?p=103\" \/>\n<meta property=\"og:locale\" content=\"en_US\" \/>\n<meta property=\"og:type\" content=\"article\" \/>\n<meta property=\"og:title\" content=\"Ma jiro Islaamka wax ka fiicani, mana jiro wax ka Xun Muslimiin Lunsan!!! - Haji-FARAH&#039;s POST\" \/>\n<meta property=\"og:description\" content=\"Islaamnimadu maaha wax la sheegto ee waa in siday tahay ee Allah rabo loogu dhaqmo. Islaamnimadu maaha wax lagu shaqaysto oo xoolo, manfac iyo magac adduun lagu raadsado. Islaamkuna maaha wax jiritaankiisa muslimiinta laga rabo balse jiritaankoodaa u baahan Islaamka. Muslimnimadu waxay ku bilaabantaa kuna dhamaataa marka qofka sheeganayaa uu si dhab ahaan u dareemo [&hellip;]\" \/>\n<meta property=\"og:url\" content=\"https:\/\/www.hajifarah.com\/blog\/?p=103\" \/>\n<meta property=\"og:site_name\" content=\"Haji-FARAH&#039;s POST\" \/>\n<meta property=\"article:published_time\" content=\"2012-03-09T12:01:21+00:00\" \/>\n<meta name=\"author\" content=\"Hajifarah\" \/>\n<meta name=\"twitter:card\" content=\"summary_large_image\" \/>\n<meta name=\"twitter:label1\" content=\"Written by\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data1\" content=\"Hajifarah\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:label2\" content=\"Est. reading time\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data2\" content=\"4 minutes\" \/>\n<script type=\"application\/ld+json\" class=\"yoast-schema-graph\">{\"@context\":\"https:\/\/schema.org\",\"@graph\":[{\"@type\":\"WebPage\",\"@id\":\"https:\/\/www.hajifarah.com\/blog\/?p=103\",\"url\":\"https:\/\/www.hajifarah.com\/blog\/?p=103\",\"name\":\"Ma jiro Islaamka wax ka fiicani, mana jiro wax ka Xun Muslimiin Lunsan!!! - Haji-FARAH&#039;s POST\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/www.hajifarah.com\/blog\/#website\"},\"datePublished\":\"2012-03-09T12:01:21+00:00\",\"author\":{\"@id\":\"https:\/\/www.hajifarah.com\/blog\/#\/schema\/person\/e2d3fe3bf3bff3127013a1bf1ffc8aaa\"},\"breadcrumb\":{\"@id\":\"https:\/\/www.hajifarah.com\/blog\/?p=103#breadcrumb\"},\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"ReadAction\",\"target\":[\"https:\/\/www.hajifarah.com\/blog\/?p=103\"]}]},{\"@type\":\"BreadcrumbList\",\"@id\":\"https:\/\/www.hajifarah.com\/blog\/?p=103#breadcrumb\",\"itemListElement\":[{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":1,\"name\":\"Home\",\"item\":\"https:\/\/www.hajifarah.com\/blog\/\"},{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":2,\"name\":\"Ma jiro Islaamka wax ka fiicani, mana jiro wax ka Xun Muslimiin Lunsan!!!\"}]},{\"@type\":\"WebSite\",\"@id\":\"https:\/\/www.hajifarah.com\/blog\/#website\",\"url\":\"https:\/\/www.hajifarah.com\/blog\/\",\"name\":\"Haji-FARAH&#039;s POST\",\"description\":\"\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"SearchAction\",\"target\":{\"@type\":\"EntryPoint\",\"urlTemplate\":\"https:\/\/www.hajifarah.com\/blog\/?s={search_term_string}\"},\"query-input\":{\"@type\":\"PropertyValueSpecification\",\"valueRequired\":true,\"valueName\":\"search_term_string\"}}],\"inLanguage\":\"en-US\"},{\"@type\":\"Person\",\"@id\":\"https:\/\/www.hajifarah.com\/blog\/#\/schema\/person\/e2d3fe3bf3bff3127013a1bf1ffc8aaa\",\"name\":\"Hajifarah\",\"image\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/www.hajifarah.com\/blog\/#\/schema\/person\/image\/\",\"url\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/8a4cf235281f368994a4a72396af1da22cd84c9c9ea96eaffda49413477a0106?s=96&d=mm&r=g\",\"contentUrl\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/8a4cf235281f368994a4a72396af1da22cd84c9c9ea96eaffda49413477a0106?s=96&d=mm&r=g\",\"caption\":\"Hajifarah\"},\"url\":\"https:\/\/www.hajifarah.com\/blog\/?author=2\"}]}<\/script>\n<!-- \/ Yoast SEO plugin. -->","yoast_head_json":{"title":"Ma jiro Islaamka wax ka fiicani, mana jiro wax ka Xun Muslimiin Lunsan!!! - Haji-FARAH&#039;s POST","robots":{"index":"index","follow":"follow","max-snippet":"max-snippet:-1","max-image-preview":"max-image-preview:large","max-video-preview":"max-video-preview:-1"},"canonical":"https:\/\/www.hajifarah.com\/blog\/?p=103","og_locale":"en_US","og_type":"article","og_title":"Ma jiro Islaamka wax ka fiicani, mana jiro wax ka Xun Muslimiin Lunsan!!! - Haji-FARAH&#039;s POST","og_description":"Islaamnimadu maaha wax la sheegto ee waa in siday tahay ee Allah rabo loogu dhaqmo. Islaamnimadu maaha wax lagu shaqaysto oo xoolo, manfac iyo magac adduun lagu raadsado. Islaamkuna maaha wax jiritaankiisa muslimiinta laga rabo balse jiritaankoodaa u baahan Islaamka. Muslimnimadu waxay ku bilaabantaa kuna dhamaataa marka qofka sheeganayaa uu si dhab ahaan u dareemo [&hellip;]","og_url":"https:\/\/www.hajifarah.com\/blog\/?p=103","og_site_name":"Haji-FARAH&#039;s POST","article_published_time":"2012-03-09T12:01:21+00:00","author":"Hajifarah","twitter_card":"summary_large_image","twitter_misc":{"Written by":"Hajifarah","Est. reading time":"4 minutes"},"schema":{"@context":"https:\/\/schema.org","@graph":[{"@type":"WebPage","@id":"https:\/\/www.hajifarah.com\/blog\/?p=103","url":"https:\/\/www.hajifarah.com\/blog\/?p=103","name":"Ma jiro Islaamka wax ka fiicani, mana jiro wax ka Xun Muslimiin Lunsan!!! - Haji-FARAH&#039;s POST","isPartOf":{"@id":"https:\/\/www.hajifarah.com\/blog\/#website"},"datePublished":"2012-03-09T12:01:21+00:00","author":{"@id":"https:\/\/www.hajifarah.com\/blog\/#\/schema\/person\/e2d3fe3bf3bff3127013a1bf1ffc8aaa"},"breadcrumb":{"@id":"https:\/\/www.hajifarah.com\/blog\/?p=103#breadcrumb"},"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"ReadAction","target":["https:\/\/www.hajifarah.com\/blog\/?p=103"]}]},{"@type":"BreadcrumbList","@id":"https:\/\/www.hajifarah.com\/blog\/?p=103#breadcrumb","itemListElement":[{"@type":"ListItem","position":1,"name":"Home","item":"https:\/\/www.hajifarah.com\/blog\/"},{"@type":"ListItem","position":2,"name":"Ma jiro Islaamka wax ka fiicani, mana jiro wax ka Xun Muslimiin Lunsan!!!"}]},{"@type":"WebSite","@id":"https:\/\/www.hajifarah.com\/blog\/#website","url":"https:\/\/www.hajifarah.com\/blog\/","name":"Haji-FARAH&#039;s POST","description":"","potentialAction":[{"@type":"SearchAction","target":{"@type":"EntryPoint","urlTemplate":"https:\/\/www.hajifarah.com\/blog\/?s={search_term_string}"},"query-input":{"@type":"PropertyValueSpecification","valueRequired":true,"valueName":"search_term_string"}}],"inLanguage":"en-US"},{"@type":"Person","@id":"https:\/\/www.hajifarah.com\/blog\/#\/schema\/person\/e2d3fe3bf3bff3127013a1bf1ffc8aaa","name":"Hajifarah","image":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/www.hajifarah.com\/blog\/#\/schema\/person\/image\/","url":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/8a4cf235281f368994a4a72396af1da22cd84c9c9ea96eaffda49413477a0106?s=96&d=mm&r=g","contentUrl":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/8a4cf235281f368994a4a72396af1da22cd84c9c9ea96eaffda49413477a0106?s=96&d=mm&r=g","caption":"Hajifarah"},"url":"https:\/\/www.hajifarah.com\/blog\/?author=2"}]}},"views":8869,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/www.hajifarah.com\/blog\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/103","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/www.hajifarah.com\/blog\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/www.hajifarah.com\/blog\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/www.hajifarah.com\/blog\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/www.hajifarah.com\/blog\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=103"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/www.hajifarah.com\/blog\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/103\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/www.hajifarah.com\/blog\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=103"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/www.hajifarah.com\/blog\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=103"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/www.hajifarah.com\/blog\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=103"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}