Waqtiyada Alla-bariga 
 
Sida uu innoo sheegay Nebigu (NNKHA) waxa jira waqtiyo gaar ah oo ay u badantahay in uu Ilaahay ducooyinka aqbalo. Waqtiyadaasi waxay kala yihiin:

Habeenka marka 3 qaybood loo qaybiyo qaybtiisa u danbeysa
Abu Hurayra (ARHA) waxa uu sheegay in uu Rasuulka Ilaahay (NNKHA) yidhi:“ Habeen kasta, marka saddex qaybood loo qaybiyo qaybtiisa u danbeysa, Rabbigeennu (SWT) wuxuu waxaanu yidhaahdaa: Yaa wax iga baryaya oo aan u jawaabaa? Yaa wax i weydiisanaya oo aan siiyaa? Yaa dambi dhaaf i weydiisanaya oo aan u dambi dhaafaa?” [Waxa weriyey Bukhaari]. Habeenka intiisa u dambeysa, marka ay dadku hurdaan ama ay ku mashquulsan yihiin macmacaanka (raaxada) adduunyada, Ilaahay (SWT) Wuxuu adoomadiisa siiyey fursad, ama saacad uu ka aqbalo wax kasta oo ay u baahanyihiin oo adduunkooda iyo aakhiraba anfacaysa, waa haddii ay waqtigaas ka toosaan hurdadooda oo ay baryaan.

Inta u Dhaxaysa Eedaanka Hore iyo Marka Salaadda loo Kaco
Anas (ARHA) ayaa sheegay in uu Rasuulka Ilaahay (NNKHA) yidhi:“ Ducada la ducaysto inta u dhaxaysa  eedaanka hore iyo marka salaadda loo kacayo lama diido.”  [Waxa weriyey An-Nasaa’i iyo Ibn Xibbaan oo siiyey darjada saxiixa ].

Saacad ka mid ah Maalinta Jimcaha
Abu Hurayra (ARHA) ayaa sheegay in Rasuulka Ilaahay (NNKHA) uu ka hadlay maalinta Jimcaha isaga oo leh:“Waxa jirta saacad ka mid ah maalinta Jimcaha oo hadday dhacdo in qofka muslimka ahi uu ducaysto marka uu salaada tukado oo uu Ilaahay wax weydiisto in uu Ilaahay (SWT) u fuliyo baahidiisa.” Rasuulku wuxuu gacantiisa ku tusay sida uu waqitigaasi u gaaban yahay. [Waxa weriyey Bukhaari]. Dadka qaar waxay yidhaahdaan waqtigaasi waa marka imaamku soo galo masjidka illaa marka salaada Jimce dhamaato; halka ay dadka kalena yidhaahdeen waa saacadda u danbeysa maalintaa. (ogow: halkan erayga saacad uma jeedno saacadda qof kastaa yaqaano ee 60 daqiiqa ah, balse waa waqti aan xadidnayn, maxaa yeelay waqti-tiriskan aan hadda isticmaalnaa wuxuu yimid dhimashadii Nebiga dabadeed.)

Marka La Cabayo Biyaha SamSamka
Jaber (ARHA)  ayaa sheegay in uu Rasuulka Ilaahay (NNKHA) yidhi:“ Biyaha ZamZamku waa kolba waxaad u cabto.” [Waxa weriyey Axmed iyo Ibn Maajah]. Tan macnaheedu waxa weeyi, marka aad cabto biyaha Samsamka waxaad Ilaahay (SWT) weydiisan kartaa wax kasta ood jeceshahay in aad hesho, ama in aad daawo uga hesho xanuun aad markaa ka cabanaysid, iwm.

Marka La Sujuudsanyahay
 Abu Hurayra (ARHA) wuxu yidhi Rasuulka Ilaahay (NNKHA) ayaa yidhi:“ Marka uu adoonku ugu dhawyahay Rabbigiisu waa marka uu sujuudda ku jiro, sidaa darteed Ilaahay aad u barya.” [waxa weriyey Muslim]. Qofka Muslimka ahi markuu tukanayo, wuxu u jeedaa ilaahay, marka uu sujuudsanyahayna wuu ugu dhaw yahay, marka waxaa fiican waqtigaa in Ilaahay la baryo.

Maalinta Carafa
Rasuulka Ilaahay (NNKHA) wuxuu yidhi:“ Ducada ugu qiimaha badani waa ducada la ducaysto maalinta carafa.” [waxa weriyey At-Tirmidi iyo Maalik].

Habeenkii Marka Hurdada Laga Tooso
Cubayda Bin As-Saamit (ARHA) ayaa sheegay in uu Rasuulka Ilaahay (NNKHA) yidhi:“ Qofka hurdada ka toosa habeenkii oo yidhaahda: Laa ilaaha illallaahu waxdahu laa shariika lahu lahulmulku, wa lahul xamdu, wa huwa calaa kulli shayin qadiir. Alxamdu lillaahi, wa subxanallaahi wa Laa ilaaha illallaahu, wallaahu akbar, wa laa xawla walaa quwata illa billaah (Cidna xaq uma leh in la caabudo Ilaahay mooyaane; Kalidii ayuun baan lahayn wehel iyo shuraako; wax-la-haansho iyo mahad Ilaahay baa iska leh; Wax kastana awood buu u leeyahay; Ilaahay baa Weyn; Awood iyo itaal ma jiraan xaggiisa mooyee) intaa dabadeedna yidhaahda: Allaahuma iqhfir lii (Ilaahayow ii dambi dhaaf) ama uu wax kale Ilaahay weydiisto waa laga aqbalaa. Hadduu weysaysto oo uu salaad tukadana, salaadiisaa waa laga aqbalaa.” [Waxa weriyey Bukhaari].

Marka Salaad Waajib ah La Tukado
Abu Umamah (ARHA) ayaa sheegay in Rasuulka Ilaahay (NNKHA) la weydiiyey:“ Rasuulkii Allow, ayuu Ilaahay aqbalaa? Wuxuu yidhi habeenka gelinkiisa dambe iyo marka la dhameeyo tukashada salaad waajib ah.” [waxa weriyey At-Tirmiidi]. waqtigeeduna waa inta u dhexaysa At-taxiyaatka iyo  salaama-naqsiga (dhamaansha salaada).

Habeenka Laylatul Qadarka
Waa habeenka ugu qiimaha badan sanadka. Waa habeenka uu Ilaaha Weyni ka sheekeeyey ee uu yidhi: “ Laylatul Qadri khayrun min alf shahrin.” (al-Qadri:3).

“ Habeenka Laylatul Qadrigu wuxuu ka khayr badanyahy kun bilood.” (al-Qadri:3).

Marka uu Roobku Da’ayo
Sahel Ibn Sacad (ARHA) ayaa sheegay in Rasuulka Ilaahay (NNKHA) uu yidhi:“ Labo lama soo celiyo, ducada eedaanka dabadii iyo ducada marka roob da’ayo.” [Waxa weriyey Al-xaakim iyo Abu Daawuud]. Waqtiga roobku da’ayaa waa waqti naxariista Ilaahay socoto, sidaa darteed waa in laga faa’idaystaa waqtigaa uu Ilaahay Naxariistiisa shubayo.

Marka Eedaanku Socdo
Eeg faqrada kor ku qoran.

Qofka Marka Dulmi loo Gaysto
Rasuulka Ilaahay (NNKHA) ayaa  Moaad Ibn Jabal (ARHA):“Iska ilaali ducada qofka la dulmay, maxaa yeelay ma jirto xijaab ama wax u dhexeeya ducada iyo Ilaahay (SWT).” [Waxa weriyey Al-Bukhaari iyo Muslim]. Qofka la dulmo ducadiis Ilaahay wuu maqlaa si uu ugu soo celiyo xuquuqda la duudsiyey. Ilaahay wuxuu ku dhaartay in uu gargaarayo qofka la dulmay ama ha dhawaato ama muddaba ha qaadatee sida uu inno sheegay Rasuulku (NNKHA).

Marka Qofku Socoto ama safar ku jiro
Rasuulka Ilaahay (NNKHA) wuxuu yidhi“ Saddex duco ma aqbali waayo Ilaahay (SWT): Ducada Waalidku ilmihiisa u duceeyo, ducada qofka sooman, iyo ducada qofka socotada ah.” [Waxa weriyey Al-Bayhaqi waxaana saxay Al-Albaani]. Marka socoto lagu jiro ama safar, Ilaahay wuu maqlaa ducada haddii sababta safarku uu wanaagsan yahay; haddiise hadafka ama danta safarku tahay mid aan wanaagsanayn, xadiiskana laguma dabbaqayo .

Marka qofku Soomanyahay
Eeg faqradda kor ku qoran.

Marka uu Waalidku Ilmihiisa u Duceynayo

Wa Billaahi Tawfiiq!