Skip to main content

Sharaftii Islaamka oo ku Dhex Silicday W...

Sharaftii Islaamka oo ku Dhex Silicday Wadaad Xagjir ah …

Sharaftii Islaamka oo ku Dhex Silicday Wadaad Xagjir ah, Sheekh Cilmi Yar Caadifadna Adeegsada, iyo Dallinyar Caqligii laga Addoonsaday.  Diinta Islaamku waa diin ku salaysan caqli, cilmi, naxariis, ixtiraam iyo isqadrin. Ku-dhaqankeedana waxa shardi aasaasi ah u ah caqli fayow. Caqliguna wuxu ka mid yahay waxyaabaha uu Allah ku sharfay ee uu ku karaameeyey bani’aadamka, […]

Raad-Xumada ay Keento Sandulleynta ku wa...

Raad-Xumada ay Keento Sandulleynta ku wajahan Diinta, Dhaqanka, Qabiilka ama Fikirku

Raad-Xumada ay Keento Sandulleynta ku wajahan Diinta, Dhaqanka, Qabiilka ama Fikirku Sandulleyntu waa xaalad ka dhalata marka qof, ummad, ama xataa xayawaan, lagu khasbo (kallifo) ku dhaqanka fal aanay ciddaasi ku qanacsanayn. Waxaanay noqon kartaa mid muuqata, sida midda ay koox-diineedyad xagjirka ah iyo kuwa kaleba adeegsadaan, iyo mid dahsoon sida midda dad ama dawladdo […]

Ma jiro Islaamka wax ka fiicani, mana ji...

Ma jiro Islaamka wax ka fiicani, mana jiro wax ka Xun Muslimiin Lunsan!!!

Islaamnimadu maaha wax la sheegto ee waa in siday tahay ee Allah rabo loogu dhaqmo. Islaamnimadu maaha wax lagu shaqaysto oo xoolo, manfac iyo magac adduun lagu raadsado. Islaamkuna maaha wax jiritaankiisa muslimiinta laga rabo balse jiritaankoodaa u baahan Islaamka. Muslimnimadu waxay ku bilaabantaa kuna dhamaataa marka qofka sheeganayaa uu si dhab ahaan u dareemo […]

Wax Macna ma Samaynayso in la xoreeyo Ji...

Wax Macna ma Samaynayso in la xoreeyo Jidh, ruuxiisii la addoonsado

  In qofku jeclaado in uu sayid noqdaayi waa arrin basharka ku abuuran, addoonsiguse waa tilmaan ama xaalad aad u liidata oo basharku ku dhaqmo. Dadka Soomaaliyeedna labadaa arrimoodba waa ku caan ama qabiil ha weyneeyeen ama qof madax ah ha weyneeyeen. Sidaa ay tahayse, ma jiri karo qof sayidnimo ku dhaqmaa haddii aanu jrin […]