Dalka Japan waxa caan ku ah biyo la cabo marka ugu horeysa ee  subaxadii hurdada laga tooso. Intaa waxa raaca, tijaabooyin cilmi ah ayaa waxay cadeeyeen waxtarka caadadaasi. Sidaa darted, waxan  akhristayaasha sharafta leh hoos ugu soo qoraynaa  sharaxaad kooban oo ku saabsan isticmaalka biyaha ee subaxda hore inta aan cunto la cunin. Bulshada Caafimaadka ee dalka Japan (Japanese medical society) ayaa ku guulaystay in ay 100% biyaha ku daweeyeen cuduradan soo socda: Madax xanuun (Headache), xanuunka jidhka (body ache), wadnaha (heart), lafa garaaca (arthritis), wadnaha oo si xawli ah ku shaqeeya (fast heart beat), suuxdinta (epilepsy), baruurta siyaadada (excess fatness), bronkiita (bronchitis), xiiqda (asthma), TB, menenjaytas (meningitis), Kelyaha & cudurada kaadida (kidney and urine diseases), matagga (vomiting), Gaastariga (gastritis), shubanka (diarrhea), macaanka (diabetes), calool-joogsiga (constipation), xanuunada indhaha (all eye diseases), ilmogaleenka (womb), kansarka (cancer) iyo xanuunada caadada (menstrual disorders), iyo xanuunada dhagaha, sanka iyo cumaha (ear nose and throat diseases).

HABKA DAAWEYNTA

1. Marka aad subaxdii hurdada ka kacdo, adiga oon cadayan, cab 4 galaas (160ml) oo biyo ah

2. Ka dib, cadayo muddo 45 daqiiqana waxba ha cunin hana cabin

3. 45 daqiiqo ka dib waad cuni ama cabi kartaa sidii caadiga ahayd.

4. 15 daqiiqo ha dib marka aad quraacato, qadayso, ama cashayso ha cabin wax sharaab ah, hana cunin wax cunto ah ilaa 2 saacadood.

5. Dadka da’da ah ama buka ee aan cabi Karin 4 galaas oo biyo ahi, marka hore ha ku bilaabaan wax yar oo ay cabi karaan ka dibna si tartiib tartiib ah ha u kordhiyaan ilaa ay ka awoodayaan  4 galaas maalintiiba.

6. Habkaa daaweynta ee kor ku xusani waxay daawaynaysaa xanuunadaas oo idil.

Hoos waxa ku qoran tirade maalmaha loo baahanyahay in lagu
daaweeyo/yareeyo xanuunada waaweyn:

1. Dhiig karka (High Blood Pressure) – 30 maalmood

2. Gaastariga (Gastric) – 10 maalmood

3. Macaanka (Diabetes) – 30 maalmood

4. Calool-joogsiga (Constipation) – 10 maalmood

5. Kansaarka (Cancer) – 180 maalmood

6. TB – 90 maalmood

Dabcan daaweyntani ma laha waxa ciladdo ah, waxase laga yaabaa bilawgeeda in aad dareento kaadi badan.

Waxa fiican in aad bilawdo oo aanad joojin oo aad caado ka dhigato.

Biyaha Cab oo ku sugnow caafimaad iyo firfircoonaan.