Awoodda Allah-Beriga ( ama Ducada) 
 
Ruux kasta oo Allaah aaminsan, wuxu markhaati ka noqon karaa in ducadu ay wax ka bedeli karto noloshiisa, aragtidiisa, iyo hadafkiisa nolosha. Runtii ducadu waa hubka ugu culus ee uu haysto qofka Allaah aaminsani.

Allaahuma AamiinMar ayaa Nebi Muxamad (CSWS) uu soo maray dad ay ka muuqato tabaalo iyo dhibaatooyin ku habsaday. “Maxaa u diiday in ay Ilaahay ka baryaan badbaado?”Ayuu yidhi. Marka aad eegto waxaas oo dhibaatooyin iyo masiibooyin ah ee Muslimka maanta haysata meelo badan oo adoonyada ka tirsan, su’aashaa Nebigu waxay noqonaysaa mid ku wajahan mid kasta oo innaga mid ah.

Runtii, ma aha in aynu hilmaamnay ducadu waxay ahayd oo dhan; si joogta ah waan u ducaysannaa. Hase ahaatee, fikradaha aan ka qabno iyo sida aan u dhaqangelinno ducooyinka ayaa noqday mid aan nadiif ahayn. Waxay ducooyinkeennii isugu biyo shubatay waxa afka uun laga yiraahdo oo caado la fuliyo uun noqotay. Guud ahaanna, waxay noqotay mid laga fikiro marka itaal kale la waayo oo kaliya – macnihii, arrinta u dambeysa wax la sameeyo. Ma wax laga fajacaa maanta in soo hadal qaatka ducadu in ay la mid noqoto xaalad rajo-la’aan ah.
Masiibo taa ka weyni ma jirto, maxaa yeelay ducadu waa hubka ugu culus ee uu leeyahay qofka mu’minka ahi. Waxay wax ka bedeli kartaa aayeheenna, si aanu waxqabadkeennu u karaynin. Waa asaaska ama nuxurka cibaadooyinka iyo Allah ka cabsiga. Haddaan adeegsano weligeen guul-daraysanmaynno. La’aanteedna guulaysanmaynno. Wax kasta oo aan qabanayno (qorshe iyo ficilba) ducadu waan in ay noqotaa shayga ugu horeeya iyo ka u dambeeya.

Ducadu waa hadal-is-dhaafsi uu qofku la yeelanayo Allaaha Abuuray, Eebaheena Awooda leh iyo Wax-kasta-Og. Arrintani sideeda ayey u leedahay qiimo iyo ahmiyad aan caadi ahayn. Waa hadal-is-dhaafsiga ugu heer sareeya ee uu qof weligii sameeyo. Xaggiisa ayaan u leexannaa, maxaa yeelay waxaan ognahay in uu Kaligii innaga kor qaadi karo masiibooyinka innagu habsaday oo uu xallin karo dhibaatooyinkeenna. Waan ku qabawnaa ka dib markaa waxyaabaha innagu adag u sheegano ka inna Abuuray. Awood baan yeelanaa ka dib markaa la xiriirno Allaha Awooda leh. Naxariistiisa ayaa dareenaa ka dib marka aan la hadalno Allaha Raxmaanka ah. Waxan helnaa mas’uuliyada qaadasho cusub si aan u raacno Dariiqiisa ah ka kaliya ee guul lagu gaaro.

Dhibaato kasta, ducadu waa in ay noqotaa falka ugu horeeya iyo ka u dambeeya ee aan ku dhaqaaqno. Allah ayaan weydiisanaynaa in uu inna tuso habkii aan u xallin lahayn dhaibaatada. Waxan weydiisanaynaa in uu inagu gargaaro sidii aan u raaci lahayn habkaa uu ina tusay. Gargaarkiisa ayaa codsanaynaa sidii uu awoodeena uga dhigi lahaa mid guul dhalisa. Markaan bukoonno, waxaan ognahay in aynaan helayn dhakhtarka haboon haddaanu Allaah qadarin. Iyo in aanu dhakhtarkaasi helayn cudurkeena haddaan Allaah amrin. Iyo weliba in aanay daawada ugu fiicani waxba taraynin haddaan Allaah ogolaanin. Waxaas oo dhan iyo wixii kale ee nolosheenna saameeya waan in aan duco ku darnaa.

Ducadu waa halbawlaha cibaadada. Qofka ducaystaa wuxu adkaynayaa aaminaada uu tawxiidka aaminsanyahay. Wuxu daaqadda ka tuurayaa shirkiga. Duca kasta waxay kordhinaysaa iimaankiisa. Wuxuu baryayaa Allaah, isga oo xoojinaya awood la’aantiisa. Qofka si dhab ah oo daacad ah u ducaystaa wuxuu fahmayaa xiriirka ka dhexeeya isaga iyo Abuurihiisa. Waa taas nuxurka cibaadadu! Waxa taa raacda, qofkaasi weligii ma muujiyo kibir ama isweynayn, waana jawaabta maangelka ah ee cibaadada dhabta ah.

Ducadu waa hubkeena ugu xoog badan dagaalada nolosha oo idil iyo jihaadka goobta dagaal. Dgaalkii Badar, Nebi Muxamad (CSWS) habeenkii oo dhan ayuu u taagnaa Duco, isaga oo Allah weydiisanaya in uu ka caawiyo dagaalka uu berri la galayey ciidamo aad uga badanaa ciidankiisa. Dagaaladii jihaadka ee lagula jiray duulayaashii saliibka, Suldaan Salaaxudiin Ayyuubi habeen iyo malinba wuu mashquulsanaa. Habeenkii wuxuu ku dhamaysan jiray duco, oohin iyo Allah bari, maalintiina dagaal ama jihaad. Sidaas ayuu ahaa dhaqanka mujaahidiinta dhabta ahi.
Waa in markasta la nimaadno duco wax yar iyo wax weynba. Waa bilawga xikmadda in aad aqoonsato in aanay Allah wax ku yar iyo wax ku weyni jirin in la baryo. Waa sababtaa waxa laynoogu ababiyey in aynnu Allah barinno xataa marka aan fadhiga ka kacayno (Ilaahow na kici oo hana kala reebin)!

Mar kasta waa in aan ducaysano. Ma aha marka aan dhibaato dareeno oo qudha. Nebigu (CSWS) wuxu yiri: “Qofka jecel in uu Allaah ka aqbalo ducooyinkiisa marka uu dhibaataysan yahay, ha badsho ducooyinkiisa marka uu raaxada ku jiro”. Waxa kala oo uu yiri: “Qofka aan Ilaahay wax weydiisan, Allaah wuu u caroodaa”.
Baahideenna oo dhan waan in aan Ilaahay weydiisanaa: Haddii tahay baahida aduunyada iyo ku aakhiraba. Dadka ku kooban ducada ta hore oo kaliya waxay cadeenayaan in aanay ahmiyad weyn siinayn nolosha abadiga ah ee aakhiro. Naftooda wax aan ahayn ma canaanan karaan haddii ay la kulmaan nolol adag ee uu Ilaahay Qur’aanka innogu sheegay : “..Ka geli doona dabka weyn, halkaas oo aanu dhex dhiman doonin (si uu uga nasto dabka) kuna dhexnoolaan doonin (nolol fiican).” Al-aclaa:12-13. Kuwa ta dambe oo kaliya ku wereraana waxay luminayaa miisaankii, maxaa yeelay waan u baahannahay gargaarka Ilaahay in aan noloshan adduunyadana mid fiican ku noolaano.

Ducada in aan nafteenna oo kaliya ku koobno ma aha, balse waan in aan ku darnaa: waalidka, walaalaha, ubadka iyo sayga, ehelka iyo asxaabta, macallimiinta iyo mashaa’ikda, iyo Muslimiinta dhibaataysan ama dagaal ku jira meel ay joogaanba. Waan in aan adduun iyo aakhiraba wax fiican ugu ducaynaa. Nebigu (CSWS) wuxu yiri: “Ducada uu Muslimku walaalkii oo ka maqan u dueeyo Ilaahay si farxadleh ayuu u aqbalaa. Malag ayuu u diraa qofka loo duceeyey. Marka wax fiican loogu duceeyaba malagaas ayaa ‘Aamiin’ yiraahda. Wanaagaasi qofka ducaynayana wuu soo gaaraa. [Saxiix Muslim]

Casriga mugdiga ee aan maanta ku noolnahay, maalin welba waxay innoo keenaysaa warar dhiillo leh oo ka hadlayaa dhibaatooyin loo geystay ummad Muslim ah sida walaalaha reer Falastiin, Kashmiir, Afghaanistaan, Indiya, Ciraaq, shiishaan, iwm. Haddaba, axaa innala gudboon oo aan samaynaa? Ma waxaan ku sugnaanaa dareenkaa niyadjabka ah. Ma waxaan arji u qoranaa dadkaa xad-dhaafka samaynaya. Miyaan iska ilawnaa waxaa socda oo wax kale ayaan u wareegnaa. Mise Ilaahay ayaan hor joogsannaa oo gargaar weydiisannaa, Isaga ayaa kaligii wax innoo qaban karee. Ducadu wey bedeli nolosheena, aragtideenna, iyo aayaheenna. Waa hubka u culus ee aan haysanno. Waxayse u shaqaysaa kuwa si dhab ah oo daacad ah u adeegsada.